Waxaa galabta 12:00kii kasoo ambabaxey wufuud hore uga ambabaxey muqdisho oo uu la socdo shekh xasan daahir awey iyo xubno safarka shekha ku wehliyey.
Wararka ka imanayey magaalada cadaado ayaa ahaa kuwo isburinayey oo kala sheegayey in xasan daahir aweys uu yahey nin xor ah uuna meeshi uu doono aadi karo iyo war kale oo sheegayey in shekhu uusan xor aheyn tan iyo marki sheekhu cagaha soo dhigey cadaado ee loo been guurayey lalana galey hadallo isaga niyada loogu dhisey waxaana ugu danbeyntii maanta dhacdey in shekha si khasab ah diyaarad lagu soo saarey halkaas oo ay ragii la socdey sheegeen in ay iyagu masuul ka yihiin sheekha gacantoodana aan laga bixin doonin maxaase dhacey markii muqdisho la yimid?
Waxaa isku gadaamey gudaha iyo daafaha garoonka muqdisho ciidamada alfa group oo aan ka amar qaadanin dawlada soomaaliya kana amar qaata sirdoonka mareykanka iyagoo codsadey in iyaga lagu soo wareejiyo ayna taas ka biyadiideen labada janan ee la kala yiraa indhacadde iyo goobaale,c/qaadir cali cumar,axmed diiriye iyo ugaas cabdi daahir markii madaxa leysla galeyna loo baahdey in wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka iyo taliyaha nabadsugida qaranka,taas oo hadda lagu gudajiro wadahadallo iyo wada tashiyo la xiriira sida sheekha la yeelayo.
Waxaanan wararkeena idinku soo gudbineynaa hadba wixii kusoo kordha wararka la xiriira sheekh xasan daahir aweys oo ah aas aasaha halganka ururada islaamiga ah,ahna korneyl bilad geesi heysta kana soo jeeda gobolada dhexe ee soomaaliya gaar’ahaan magaalada dhuusamareeb ee xarunta gobolka galguduud.




