Xarakada dagaalyahanada alshabaab ayaa shaaciyey jiritaanka warar leyla dhexmarayey oo tilmaamayey in ay dhinteen Ibraahim meecaad jaamac iyo macalim burhaan oo labaduba kamid ahaa saraakiisha sarsare ee xarakada alshabaab.
Sheekh c/casiis abu muscab oo ah afhayeenka dhanka hawlgalada ayaa warbaahinta u sheegey in ay jirto geerida labadaas mas’uul,isagoo sheegey in aan waxba ka jirin sida warkaas ay u dhigeen warbaahinta cadawgu sida uu hadalka u dhigey wuxuuna afhayeenku sheegey in labada marxuum aysan jirin maxkamad la geeyey iyo toogasho lagu fuliyey midna,isagoo sidan u dhigey geerida ibraahim afqaan iyo macalim burhaan:
waxaan in muddo ahba uga digeyney rag mujaahidiinta ka tirsan in ay ka fogaadaan wixii wax u dhimaya midnimada mujaahidiinta markii ay nasteexadaas diideena amar lagu bixiyey in la soo qab qabto iyadoo ugu danbeyntiina ay ragii halasoo qabto la yiri ay sadex qeybood noqdeen,qeyb isdhiibtey markii lagu wargeliyey in ay isdhiibaan,qeyb baxsatey oo lagu dabojiro,iyo qeyb dagaalantey oo lala dirirey,taas oo uu afhayeenku ku sababeeyey geerida ragaas isagoo yiri allaha u naxariisto denbi dhaafna alle uga dhigo dilka la diley.




