Amniyaadka Taabacsan (Axmed Godane) Oo La Xaqiijiyey In Ay Qaarajiyeen Ibraahim Afagan Iyo Macalin Burhaan.

0
535

Sida Ay Ilo Wareedyo Ka Agdhow Dhanka Shabaabka U Xaqiijiyeen Warsom.com in la Qaarijiyey labo
sargaal oo katirsanaa AlShabaab Kuwaasoo Waayahanba La Hadal Hayey In Ay Qilaaf Kula Jireen Hogaanka Sare Ee Alshabaab Axmed Godane Oo Ay Dhexdooda U Yaqaanin Abu-Zubeyr.

Labadaan Sarkaal Oo Dileen Kooxda Loo Yaqaan Amniyaadka Kana Tirsan Shabaab Ayaa Magacyadooda Lagu Sheegay Sheekh Ibraahim Xaaji Jaamac
Miicaad oo loo yaqaannay (Ibraahin Afgaan) Ama
Sheekh Abuubakar Al-Zaylici iyo
Sheekh Cabdixamiid Xaashi
Colhaye loona yaqaanay (Sheekh
Macalin Burhaan).

Hogaanka Al-shabaab Ayaa La Sheegay In Uu Amar Ku Bixiyey in la Dilo Labadaasi Iyadoona La
xaqiijiyey geerida labada sargaal
oo shabaab ay shalay galab ku
dileen degmada Baraawe ee
gobolka Sh/Hoose.

Wixii faah faahino Ku Saabsan Arintaan Kala Soco Warsom.com.