Ambassador Mohamad Saleh Annadif ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalada ka socda Kismaayo, isagoo ugu baaqay dhinacyada dagaalamaya iney deg deg ku joojiyaan dagaalada nabadna ku dhameeyaan khilaafkooda.
Annadif ayaa sheegay xaalada guud ee Soomaaliya ay soo wanaagsaneyso, balse ay jiraan caqabado badan oo loo baahan yahay in xal loo helo sidii looga gudbi lahaa iyadoo loo marayo bulshada qeybaheeda kala gedisan.
“Soomaalida iyo hogaamiyeyaasha dalka waa inay ka faa’ideystaan nabadda ay keeneen ciidamada dowlada iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, si barwaaqo nabad iyo horumar balaaran loo gaaro” ayuu intaa ku daray Danjire Anaadiif.
Ergeyga Midowga oo war-saxaafadeed ka soo saaray xafiiskiisa magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya Kismaayo inaysan dayacin fursada taagan oo ay soo gabagabeeyaan khilaafaadka siyaasadeed ee carqaladeynaya dadaalka lagu doonayo in lagu xasiliyo dalka, isagoo xusay in dagaal uusan xal keeneynin balse uu sii abuurayo cadaawad cusub.
“Waxaan soo dhaweynayaa hindisaha dowlada Soomaaliya oo ah in la qabto shir dib u heshiisiin ah sida ay horey u go’aamiyeen madaxda urur goboleedka IGAD, waxaana ku boorinayaa hogaamiyaasha Jubbooyinka iyo gobolada kale inay muujiyaan dulqaad oo ay furtaan bog cusub oo ka mid ah taariikhdooda” ayuu yiri Ambassador Annadif.
Hadalka wakiilka Midowga Afrika ee Somalia ayaa ku soo aadaya xilli labadii maalmood ee la soo dhaafay ay ku dagaalameen magaalada Kismaayo kooxo kaal taabacsan madaxweynayaal sheeganaya maamulka Jubaland, kuwaasoo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.




