Midowga Yurub oo dalbaday in laga caawiyo ciribtirka burcadbadeda.

0
494

Taliyaha ciidamada badada ee taabacsan Midowga Yurub ee howgalka ka dhanka ah burcad badeda Somalia u joga xeebaha wadanka Somalia Jorge Novo Palma ayaa dalbaday in laga caawiyo dagaalka lagu soo afjarayo dhibatada koxda burcad badeda Somalia ay kawadaan badweynta India iyo gobo ka baxsan waxana uu muujiyay in 14-ki bilod ee lasoo dhaafay ay yaratay weeraradii ay qaadi jireen koxdaasi.
Mr Palma waxa uu sheegay in ciidamada badada Midowga Yurun ay ka hortageen weeraro dhowr ah oo ay qaadi rabeen koxda burcad badeda Somalia kuwasi oo ka dhan ahaa marakiibta ku socdasha badweynta India.
Waxa uu taliyaha uu muujiyay sida Ururka Midowga Yurub ay uga go,an tahay in wax laga qabto dhibatada koxda burcad badeda Somalia o dhibato ku ah dhaqalaha calamka.
Taliyaha waxa uu sheegay in dhibatada burcad badeda in lasoo gaba gabeeyo ay ku xiran tahay Somalia oo xasilooni lagu soo dabaalo.
Burcad badeda ka qowlesata xeebaha Somalia iyo goobaha ka baxsan ayaa ah mid kamid ah dhibaatoyinka Somalia ay xiligaan ay wajaheyso.