Ciidanka Dowladda iyo AL SHabab oo ku Dagaalamay Luuq.

0
467

Wararka ka imaanaya degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa ku soo warramaya in dagaaal qadhaad oo u dhexeeya Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al Shabaab uu ka dhacay duleedka degmadaasi.
Dagaalkaani ayaa waxa uu yimid kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay howl gallo ka billaabeen Tuulooyin Hoostaga degmada Luuq halkaaso oo Weerar ay ku soo qaadeen ciidamo ka tirsan Al Shabaab.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka dhashay Khasaaro isugu Jirta dhimasho iyo dhaawac kuwaasi oo soo kala gaaray Labada dhinac inkastoo aan la cayimin xaddiga khasaarahaasi
Ma jirto illaa haatan wax war ah oo ka soo baxay dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay balse wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo degmada Luuq ayaa tibaaxaya in deegaanadii lagu dagaalamay ay gacanta ku hayaan Ciidamada dowladda Soomaaliya.