Mareykanka oo Amaaney Howlgaladda Midowga Afrika ay ka wadaan Soomaaliya.

0
515

usWar saxaafaded laga soo saaray wasarada arimaha dibada maraykanka ayaa lagu sheegay in ciidamada Somalia kuwa midowga afrika ee howgalka u jooga Somalia iyo ciidamada Ethiopia ay ku amaanan yihiin sida ay uga go’antahay in Somalia ay u horseedaan mustaqbal wanaagsan.
War saxaafadedka laga soo saaraty wasarada arimaha dibada dalka maraykanka waxa lagu sheegay in ay jiraan talaaboyin waa weyn oo horyaala hogaanka Somalia waxana dowlada maraykanka ay xusatay in aan weli laga itaal roonaanin xarakada al-shabab ee Somalia ka dagalanta.
Maraykanka si cad ah waxa uu u sheegay in ay jiraan qaswadayaal weli aan dooneyn in Somalia foodada ay ka baxdo midasi uu tusaale u soo qaatay weerarkii argagexiso ee ugu danbeyay ka dhacay casimada Somalia muqdisho iyo qatarta argagexiso ee weli ka jirta degaano badan oo baadiyaha Somalia.
War saxafadedka wasarada arimaha dibada marraykanka ay soo saartay ayaa dowlada maraykanka waxa ay balan qaaday in ay sii wadai doonto taagerada ay siinayso dowlada Somalia iyo in ay is hortaagto tagaero weliba oo suurta gal in shabaab ay hesho.
War saxafadedka sidoo kale maraykanka waxa lagu amaanay istiraatijiyada madaxweynaha Somalia ee dhanka amaanka uu ku soo hadal qaaday shirkii 2-aad ee ka dhacay magalada lodnon ee casimada wadanka biriten oo arimaha Somalia looga hadlay.
Ugu danbeentii War saxafadedka waxa shaca looga qaaday in maraykanka u weli ka walacsan yahay sii socoshada xadgudubyada ka dhanka ah xaquuqda adanaha oo ay ugu danbesay war bixintii qm eek u aadaneyn colaada Somalia iyo gacan kahadalka jinsiga.