Howlgalo dad lagu soo qab qabtay oo Saakay laga sameeyay Xaafadda Suqa Xolaha.

0
565

Howlalada MuqdishoCiidamada nabad sugida Somalia iyo Booliska AMISOM ayaa saakay howlgalo balaaran ka wada xaafada Suuqa xoolaha oo ka tirsan degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.
Howlgalkan oo ah mid balaaran ayaa laga sameeyey degaanada ay ka mid yihiin Suuqa xoolaha, SOS, Waxara-cadde, iyo degaanada la xiriira.
“Xaafadaha guri guri ayaa loo baarayaa dhamaan wixii rag ah si aan kala sooc laheyn ayaa loo qab-qabanayaa” sidaas waxa yiri goob jooge ku sugan xaafada Suuqa xoolaha oo magaciisa ka gaabsaday.
Dadka la qaqabbtay oo boqolaal gaaraya una badan dhalinyaro ayaa lagu gurayey gaadiid shabaqlayaal ah oo laamiyada taagnaa kuwaasoo gaarsiinayey xarunta dembi baarista Booliska ee CID, waxaana ku jira dadka la xiray arday wax ka dhigata dugsiyada iyo jaamacadaha iyo dad shaqooyin kala duwan u socday sida dadka degaanadaas ay sheegayaan.
Dhalinyaradan faraha badan ee la qabqabtay ayaa waxaa looga shakisan yahay iney ku jiraan kuwo falal amaan daro ku lug leh, iyadoo xaafada suuqa xoolaha ay ka mid tahay meelaha ay ku xooganaan jireen Xarakada Al-shabaab, welina laga dareemayo dhaqdhaqaaqyo ay ka wadaan oo ku kooban dilal gaadmo ah iyo qaraxyo.
Howlgalkan ayaa sababay iney xirmaan wadooyinka dhexmara xaafadaha ay ciidamadu ku jiraan, iyo wadada laamiga ah ee dhexmarta suuqa xoolaha loo diiday iney maraan gaadiidka noocyadiisa kala duwan marka laga reebo kuwa ciidamada iyadoo sidoo kale uu hakad galay ganacsiga.
Ma jiro war ku saabsan howlgaladan oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowlada hase ahaatee waxay qeyb ka yihiin howlgalo isdaba joog ah oo maalmihii ugu dambeeyey ciidamada dowlada iyo AMISOM ay ka wadeen magaalada Muqdisho.