Falaqeynta musuqmaasuqa hey’adaha iyo barnaamijka wararka maxamu’d carab ee radio SKY(F.A.O)

0
314

Sida aynu hore usoo sheegney waxaa dalkeena soomaaliya ka hawlgala hey’ado farabadan oo magacooda dadku aad u yaqaaniin hase yeeshee aan wax qabad buuran ku laheyn bulshada dhexdeeda,wax dhaxal lagala harayaana ayna jirin hadii maanta ay dalka ka baxaan,waana taas mida cadeyneysa in hey’aduhu iyagoo kala shaqo ah aaney jirin wax la taaban karo oo wax qabadkooda la xiriira.

Barnaamijka ay bulshadu la dhacdey ee uu daadihiyo wariye maxamud carab kana baxa radio sky ayaa ah kii u horeeyey mediayaha dalka kaas oo soo qaata ama falanqeeya wax qabadka hey’adaha caalamka iyo kuwa qaramada midoobey,wuxuuna wariyuhu kaashadaa lana falanqeeya dad xog ogaal ah oo yaqaan hey’ad walba sida ay dalka gudihiisa uga hawl gasho.

Wuxuuna barnaamijku caawa diiradda saarey hey’adda F.A.O ee qaramada midoobey,hey’adaas oo waligeed dalka ka bixin waa maxey shaqadeedu oo loo abuurey?maxeyse dalka soomaaliya ka qabatey?

Hey’adda F.A.O waa hey’ad hoos tagta hey’adaha qaramada midoobey hoostaga’waxaa loogu tala galey in ay qaabilsanaato cuntada iyo beeraha,in ay bixiso abuur tayo leh,in ay maalgeliso dhul beereedyada,in ay dayactirto ama qoddo kanaalada beeraha lagu waraabiyo,in ay gaddo miraha la keydin karo ee dal walba kasoo go’a wixii dalka gudihiisa lagu isticmaalo mooyee iyo in ay qaramada midoobey geyso riboot la xiriira baahida iyo wax soo saarka dal kasta oo ay hey’addu ka hawlgasho.

Waxaana hubaal ah in hey’adda F.A.O aaney jirin wax la taaban karo oo ay ka qabtey waxyaabaha aan korkusoo sheegney aysana jirin cid ku koontaroosha oo ay uga danbeeyaan in ay iyagu tilmaamaan baahida iyo halka ay ku haboontahey wixii ay doonaan ay aduunka u sheegaan wixii ay doonaana wey sameeyaan,waana midaas mida raad la’aan hawl darro loogu tilmaamey,micnaha barnaamijkuna maahan in cid gaar ah ama hey’ad si gaar ah loogu weerarayo ama lagu ceebeynayo ee bulshada qeybaheeda qaar ayaa maanta ogaadey in ay helaan xukuumad ay la xisaabtamaan oo iyana la xisaabtanta ganacsatada,hey’addaha dawliga ah iyo kuwa qaramada midoobey,si loo gaaro meesha fog ee qaranku higsanayo.