Guddoomiyaha Xisbiga MJS C/Nuur Darmaan oo si kulul ugu hadlay Dilka Somalia loogu gaysto Koofur Afrika.

0
550

DarmaanGudoomiyaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliya C/Nuur Axmed Darmaan oo maalmihii la soo dhaafay safar ku joogay Dalka Sweden ayaa waxa uu si kulul u Canbaareeyay Xasuuqa lagu hayo Soomaalida Dagan K/afrika Waxa uuna Baaq u Diray Madaxweynaha Dalka K.afrika.
Darmaan ayaa sheegay in Xisbigii ku jiray Dagaalka Xiligaas ee SNC K/afrika oo la dagaalamayay Gumeysiga, waxa uu sheegay in Dowladii Soomaaliya Xiligaas ay siisay gacan wayn, ayna Mas’uuul ka ahayd in dalka k/afrika uu Xoroobo Soomaaliya.
“ Xisbigii ku jiray dagaalka iyo Midab kala sooca Xiligaas ay Hogaaminayeen Mandela iyo Suma, si wayn ayay Dowlada Soomaaliya shacabka Soomaaliya u gacan qabteen gaar ahan aabay oo Xiligaas Tansaniya safiir ka ahaa waan xasuustaa, waxay imaan jireen safaarada Soomaaliya ee Tanzaniya, oo wax walba lagu siin jiray”ayuu yiri.
“ waxaa la siin jiray lacag waxaa la siin jiray Pasapor Somali ah Debulumatic Pasapor si Dacwadooda ay u socoto oo UNka ay ugu Dacwoodaan oo ay ugu safraam caalamka”ayuu yiri Mar kale Gudoomiyaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga mudane C/Nuur Axmed Darmaan oo hadda ku sugan dalka Sweden.

“ Waan la yaabanahay Soomaalida Xoreeyay in ay maanta Gowracaan Jake Obsuma, waxaan leeyahay in aad dadaasho, Sariirteena ayaad seexan Jirtay waan xasuustaa ana Kursiga aan seexan Jiray oo sariirta uga Kici jiray marka uu Yimaado, Cuntadeena ayaad Cuni jirtay, waxaan leeyahay waa in aad abaalkeena Noo gudaa oo aad amaankooda ilaalisaa Dumarkeena iyo rageena”ayuu yiri Gudoomiyaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga mudane C/Nuur Axmed Darmaan oo hadda ku sugan dalka Sweden.
Sidoo kale waxa uu ugu baaqay darmaan in Dowlada Soomaaliya ay qaado talaabo oo uu Madaxweynaha Soomaaliya safar ku tago Dalka K/afrika uuna u sheego in abaalkii loo galay ay ilaaliyaan.