Beesha shiqaal gandarshe oo cabasho ba’an kasoo jeedineysa dhul boob ay sheegeen in lagu hayo deegaankooda.

0
221

Waxaa isasoo taraya qeyladhaan iyo cabasho ka imaneysa dadka kasoo jeeda deegaanka dhanaane iyo jaziira oo dhawaan la sheegey in maamulka gobolka banaadir uu ku wareejiyey shirkad lagu magacaabo (somali real state).

Dhulkan iyo deegaankan ayaa waxaa wada dhisaya rugta ganacsiga somaliya iyo shirkada somali real state,halka xaga amniga la siiyey gud.degmada madina axmed xasan caddaw axmed daaci,iyadoo dadka deegaankaas ayaa ku doodaya in aan lagala tashan arintaas,sidoo kalena uusan deegaankaasi hoostagin gobolka banaadir,awoodna uusan u laheyn in uu bixiyo dhul ka tirsan gobolka sh/hoose gar ahaan degmada afgooye.

Waxgarad isugu jira odayaal,dhalinyaro,haween iyo aqoonyahan kasoo jeeda deegaanka dhanaane iyo jaziira uuna u hadley ugas cabdullaahi cismaan nuur ayaa sheegey in aysan dhulkooda ogolayn cid bixin kartaana aysan jirin ayna ku dhimanayaan daafacanayaana dhulkooda,isagoo sheegey in ay ashtako gaarsiiyeen hadana ay mid kale la gaarsiinayo ayna uga digayaan shirkada somali real state iyo ganacsatadaba in aaney hantidooda iska khasaarin,hadii ay doonayaan dhul ay dhisaana ay iibsadaan dhul kale ayuu yiri ugaska besha shiqal gandarshe.

Muranka dhulkan ayaa imanaya idoo dhawaan maamulka gobolka banaadir iyo rugta ganacsigu ay sheegeen in laga hirgelinayo dhismayaal cusub lana balaarinayo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.