Allaha U Naxariistee Waxaa La
Xaqiijiyay Geeri naxdin leh oo ku
timid (Boqor C/llahi Boqol Muuse) Oo Ahaa Wasiirkii Wasaarada
Gaashaandhiga ee Xukuumadii
Raa’isal Wasaare Cali Khaliif Galeyr, ee Dowladdii C/qaasim
Salaad Xasan.
C/laahi Boqor Muuse ayaa
wuxuu saacado kahor uu ku
geeriyooday dalka Finland, kadib
markii toddobaadyadii la soo
dhaafay, uu yaalay isbitaal ku
yaala dalkaasi.
Wararka ayaa waxay sheegayaan
in Boqor C/laahi Boqor Muuse uu
dhiigga maskaxda xirmay, taasoo
dhalisay inay xaalad adag soo
wajahday xaaladiisii
caafimaadeed, isla-markaana
wuxuu galay xaalad koomo ah Oo Aad U Adkeyd In Uu Noolaado.
C/llaahi Boqor Muuse Allaha u naxariistee
ayaa wuxuu ahaa Siyaasi
ahna Oday Dhaqameed, iyadoo
uu dadaal weyn ka geystay sidii
xaalada Somaliya loo qaboojin
lahaa, xilligii dagaalada sokeeye wuxuuna hormuud ka
ahaa gogoshii ay Dowladda
Jabuuti dadka Somaliyeed u
dhigtay Magaalada Carta, laguna
soo dhisay Dowladdii uu
hogaankeedu lahaa Dr. C/qaasim
Salaad Xasan.
Dowladdii Dhexe ee Kacaanka,
ayaa waxay marar kala duwan ay
xabsiyada dhigtay Boqor C/laahi
Boqor Muuse, iyadoo dib xabsiga
looga soo sii daayay, markii uu
aabihii geeriyooday sanadkii
1987-kii.
Isla sanadkaasi ayaa waxaa loo
caleemo saaray C/laahi Boqor
Muuse, Boqorka Beelweynta
Daarood, laakiin 1998-kii ayuu
xilka Boqornimo ku wareejiyay
walaalkii ka weynaa ee Boqor
Maxamuud Boqor Muuse, oo
geeriyooday sanadkii 2006-dii,
iyadoo uu isla sanadkaas uu dib
ula wareegay.




