Gudoomiyihii hore ee xisbul islaam sheekh xasan daahir aweys ayaa la sheegayaa in uu kasoo ambabaxey deegaanka baraawe kadib markii ay xarakada alshabaab xir xireen rag ay isku feker ahaayeen shekh xasan daahir aweys.
Shekh xasan daahir aweys iyo rag ay isku afkaar ahaayeen kana wada tirsanaa xarakada alshabaab ayaa doonayey in ay baraawe ku dhisaan hugaan ama xarako islaami ah oo ka barbar dagaalanta alshabaab,taas oo cuntamiweysey qaar mid ah xarakada alshabaab ee uu hugaamiyo shekh muqtaar abu zubeyr,iyadoo uu halkaas ka dhashey dagaal iyo gacan ka hadal aan sidaas u buurneyn,keenteyna in la xirxiro qaar kamid ah ragii abaabulka ugu jirey in shir ka dhaco baraawe,laguna guuldareystey,oo la fashiliyey.
Shekh xasan daahir aweys ayaa la sheegayaa in uu usoo kacey dhanka gobolka mudug xeebta xarardheere,ceelhuur iyo hobyo,lamana sheegin waxa uu damacsanyahey iyo cida ku wehlisa socdaalkiisa xagga badda ah,waxeyna tani imaneysaa iyadoo beryahan ay hawada isu marinayeen xasan daahir aweys iyo hugaamiyaha alshabaab sh.muqtaar abu zubeyr.




