Wafdigan ka socdey dawladda carbeed ee saldanada cumaan ayaa maanta muqdisho yimid iyagoo la kulmey madaxda dalka,waxaana wafdigu ay sheegeen in ay dawlada cumaan ka furaneyso muqdisho,iyadoo safaarada soomaalidu ay ka furantahey dalka cumaan uuna u fadhiyo danjire xasan maxamed siyaad (xasan rubeeti).
Imaatinka wufuudan ayaa qeyb ka ah dhaq dhaqaaqyo dublamaasiyadeed oo beryahan muqdisho ka socotey iyadoo la arkayey madax iyo masuuliyiin ka socda dalalka caalamka sheegayana in ay safaarad ka furanayaan muqdisho.
Wafdigan ka socda dalka cumaan oo uu hugaaminayey cabdalla ayaa sheegey in dawlada cumaan ay ka qeyb qaadaneyso dib u dhiska dalka,isagoo intaas ku darey in ay dawladiisa cumaan si dhaqso ah kaalmo wax ku ool ah soo gaarsiindoonaan walaalahooda soomaaliyeed.




