Hub iyo rasaas la sheegey in loo wadey alshabaab oo ay soo bandhigeen ciidanka booliska soomaaliyeed.

0
516

Hubkan iyo rasaastan ayey sheegeen ciidamada boolisku in loo wadey xarakada alshabaab,ayaa waxa uu isugu jirey rasaasta qoryaha waaweyn iyo kuwa fudud waxa uuna taliyaha ciidanka boliska gen.saacid uu sheegey in ay hubkan ka war heleen ayna qabteen,mana jirto sheegasho ay sheegteen xarakada alshabaab in ay hubkaas la haayeen.

Hubkan iyo rasaastan ayaa u muuqdey kuwo hawlgab ah oo duugoobey lamana oga waxa keeney in hub sidaas ah ay xarakada alshabaab ka qaataan ama ka rartaan gudaha magaalada muqdisho,waxaana beryahan ay bilaabeen ciidanka boolisku borobogando aan hore loogu aqoon taas oo la socota hugaanka cusub waa gen.SAACID’E.

Soo bandhigida walxaha qarxa ayaa hore loogu arki jirey hey’adda nabadsugida qaranka,taas oo hadda u muuqata in ay u wareegtey boliska kadib markii dhawaan la arkey dad maxaabiis hey’adda nabadsugidu soo bandhigtey hadana lagu arkey jidadka muqdisho iyaga oo meydad la toogtey ah taas oo hoos u dhigeysa sumcadda iyo aaminaada lagu qabi karo nidaamka dawliga ah iyadoo warar hoose sheegayaan in dilka maxaabiistaas ay ku lug lahaayeen sirdoonka dawlado reer galbeed ah.