Dagaalkan oo maanta mar kale ka dhacey degmada hosingow ee gobolka j/hoose ayaa la sheegayaa in uu u dhaxeeyey ciidamo iyo shacab taageersan dawlada soomaaliya iyo ciidamo taageersan hugaamiyaha raaskamboodi oo ay dhawaan taageerayaashiisu m/weyne u doorteen.
Dagaalka ayaa ka bilawdey kadib markii ciidamada taabacsan axmed madoobe ay sheegeen in ay aadayaan dhanka kismaayo ,waxaana loo diidey in ay wataan gaadiidka qoryaha waaweyn ay saaranyihiin ee tiknikada loo yaqaan balse ay qaadan karaan oo keliya hubka fudud ayna geli karaan oo keliya kismaayo,iyadoo arintaas ay isku raaceen ciidanka dawlada,maamulka iyo shacabka degmada iyo ciidamada kenya ee halkaas ku sugan,weyna ka biyodiideen ciidamadi axmed madoobe taas,waxaana la sheegey in ay dhinteen afar ciidamadi axmed madobe ah gaari kamid ah kuwii loo diidanaana dagaalka lagu gubey iyadoo taliyahoodi oo lagu magacaabo xaashi gacanta lagu dhigey lana hayo isagoo bed qaba.
Dagaalkan ayaa imanaya idoo dhawaan kismaayo ay ku dagaalameen labo ciidan oo kala taabacsan axmed madoobe iyo iftiin xasan baasto oo labadoodaba dhawaan taageerayaashoodu u kala doorteen in uu noqdo m/weynaha jubaland,iyadoo waqtigaas ay ciidamada kenya la safteen ciidamada axmed madoobe balse hada cadaadis la saarey kenya awgeed aad moodo in wax iska bedeleen mawqifkeedi siyaasadeed ee jubooyinka soomaaliya oo dawlada federalka la hoos geeyey.




