Falaqeynta musuqmaasuqa hey’adaha iyo barnaamijka wararka Max’ud Carab ee Radio SKY(TALAALKA/WHO,UNICEF,iyo wasarada adeega).

0
515

Waxaan xubinta falaqeynta musuqa iyo barnaamijka wararka maxamud carab ee radio Sky aan kusoo qaadaneynaa Talaalka oo ay wada fuliyaan hey’adaha,WHO,UNICEF,iyo wasaarada adeega bulshada aad moodaa mid dano qarsoon oo aad muhim ugu ah cidda wada laga leeyahey,taas oo shaki weyn gelisey bulshada soomaaliyeed ayaa ah in hey’adahani u isticmaaleen madaxdi qaranka ugu sareysey borobagando la xiriirta meelmarinta mashruucooda,iyo qarashaadka ku baxa fulinta talaalka waxa ay ku sheegaan cudurada halista ah ee aan ka hortaga mooyee dawada laheyn.

Hey’adahan ayaa la sheegayaa in hawshoodu ay ka muuqato dagaal diini ah sida iyagoo macalimiin badan oo dugsiyo quraan ahaa ku darey tiimamka talaalka wareejiya iyagoo isleh macalimiintan bulshada ayaa xushmeysa wixii ay wadaana waa la qaadanayaa,halka maalmaha talaalka dugsiyadi la xirey ileen macalimiinti hawl ayaa la geliyee,sidaas si lamid ah talaalka waxaa maalmihiisa mar kasta lagu beegaa ama la dhexgeliyaa maalinta jimcaha oo muslimiintu cibaadeystaan,inta ka shaqeysa talaalka maalintaas qiimaha badan wey seegaan intooda badan,waana hagardaamo aan cidina kontrolin,talaalka laftiisa ma jiro sheybaar lagu hubiyo ama lagu baaro oo dalka dhexdiisa ah sheybaaro kale in dawladu aaminto waa masuuliyad xumo,umadana dhibaato ayaa uga imaan karta.

Tan ugu danbeysa oo nagu cusubi waa iyadoo masaajidii illaahey albaabadooda lala istaago,iyadoon dawladu ka fiirsan arrintaas,waayo masaajiddu waa goobo cibaaddo ee maahan meelo loo shaqo tago ama mashaariic laga fuliyo,waxaan jimcihii dhawaa is dhafsaney erayo kooban mid kamid ah tiimka talaalka sidey ayuu yiri mid kamid ah culimada waaweyn oo lagu magacaabo shekh cali maxamed oo aan wax ka weydiiney mes’elada talaalka masjidka la keeney,wuxuuna yiri.

Waxaan arkey dad wata dharka kuwa talaalka wareejiya iyo bolis ag taagan oo iridda masjidka taagan waxaan ku shakiyey meyska laabataa hadana waan ku dhiiradoo albaabki baan sidii nin deg degaya u galey masjidka waxaanan horey ka galey salaad sunna ah markaan salaama naqsadey ayaan arkey ninki albaabka taagnaa oo i garab taagan sugayana inta aan salaada ka baxo waxuuna igu yiri heye shekh talaalka waad soo dhaaftey ee kaaley qaado.
CONTINUE.

La soco qeybta kale berrito insha allaah.