Ciidamada
Hay’adda Nabad Suggida Askari Ka Tirsan ayaa
wuxuu galabta aroos ka dhacaayay Degmada Xamar Jajab
ee Gobolka Banaadir, uu u bedelay goob tacsi.
Xafladaani Arooska Ah ayaa wuxuu ka
dhacaayay guri ku yaala inta u
dhaxeyso Isgoysyada Ceel Gaabta
iyo Xamar Jajab, waxaana gelinkii
dambe ee galabta u tagey Ciidan
ka tirsan Nabad Suggida, oo ah
Ciidanka deggan agagaarka Guriga.
Sida Wararka ay sheegayaan Askartaani Ay Waxa Ay codsadeen in la siiyo waxay cunaan iyo qol ay ku
cunaan, isla-markaana xilligii ay
wax cunista dhameysteen la
sheegay inay goobtaasi isaga
taggeen, balse uu dib ugu soo
noqday mid kamid ah Ciidamadii.
Askarigaan ayaa wuxuu qoyskii
arooska dhiganaayay uu ka dalbaday in la siiyo lacago, laakiin
waxaa la sheegay inay wada
murmeyn aabaha dhalay
gabadhii la guursanayay.
Kadib Murunkaan ayaa waxaa la
sheegay inuu xigay rasaas uu
askarigaan la dhacay aabihii gabadha dhalay, wuxuuna uu
askariga isaga tagey goobtii uu falka ka Toogtay Aabaha dhalay gabadhii la
guursanaayay waxaana lala
cararay goobaha caafimaadka ee
Magaalada Muqdisho, balse uu ku
sii dhintay jidka.
Maqribbnimadii caawa Wararka Ka soo baxaaya ayaa waxay sheegayaan in gacanta lagu
haayo askarigii dilka geystay, laakiin si sax ah looma
garanaayo goobta dhabta ah ee
lagu haayo.
Mashaqadaan Maanta Ka Dhacday Magaalada Muqdisho ayaa Ah Mid
horey uga dhici jirtay in bambooyin lagu weeraro
goobaha arooka.




