Xukuumada Federaalka Oo Sheegtay Inaysan Marnaba Gor Gortan Ka Galidoonin Xadeynta Badda Soomaaliya.

0
577

Kulan Maanta Golaha Wasiiradu ay Ku Yeesheen Muqdisho
Ayaa Waxa Ay Ka soo sareen go’aamada hoos ku xusan ee la
xiriira arrimaha badda Soomaaliya:-

1- Xukuumada Federaaliga ah ee
Soomaaliya waxay ayid-san-tahay
go’aankii Baarlamaanka
Soomaaliyeed uu gaaray August
1, 2009, ayna xildhibaanadu ku
diideen is-fahmakii doodda looga furayey xadaynta biyaha
badda Soomaaliyeed.

Is afgaradkaas oo dhacay April 7,
2009 ayana magaalada Nairobi
Kenya ku saxiixeen Wasiirkii Xiriirka Caalamiga ee DFKMG iyo Wasiirka Arrimaha Didabadda ee Kenya. Is afgaradkan ayuu
baarlamaanka Soomaaliya ku
sifeeyay waxba kama jiraan.

2- Sida ku cad qoraalkii ka soo
baxay Qaramada Midoobay
March 12, 2010 ee ay ku
cadeeyeen in Is-fahamka dhex maray DFKMG iyo Kenya uu
yahay mid aan la cuskan karin ka
dib markii Baarlamaanka
Federaalka ku meelgaarka uu
diideen is-afgaradkaas, sidaas
daraadeedna waa in loo tixgeliyo
mid aan lagu hawl geli karin ama
la cuskan karin.

3- Xukuumada Federaaliga ah ee
Soomaaliya waxay aqoonsan
tahay sharciga qaran ee badaha
Law No. 37. ee qeexaya dhererka
xadka badda “territorial water”
ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo
continental shelf .

Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay
xeerka badaha aduunka ee ay
wax ka saxiixday 24kii Luuliyo
1989 ayadoo aan ka tanaasulin
sharciga qaran.

4- Xukuumada Federaaliga ah ee
Soomaaliya waxay cadeyneysaa
inaysan ka galaynin wada hadal
cusub badda Soomaaliya gaar
ahaan dib-u qeexida iyo xadeynta xeebta Soomaaliya.

5- Dhanka kale dawladda
Soomaaliya waxay cadeyneysaa
inay ka go’antahay xoojinta
cilaaqaadka iyo iskaashiga
labada dal ee soo jireenka ahaa.

Waxayna dawladdu soo dhawaynayaa wadashaqeynta
labda dawladdood ee la xiriira
dhanka dib-u dajinta qaxootiga
Soomaaliyeed iyo xoojinta amaanka xuduudaha labada dal Ay
wadaagaan.