Ciidamada Dowlada Oo Maanta Dad Shacab Ah Ku Laayey Suqa Bakaaraha, Xilli Ay Eryanayeen Ruux Ku Hubeysna Biskoolad.

0
172

Ciidamada Booliska iyo Nabad
Suggida ee Dowladda, ayaa
waxa ay laba
ruux ku dileen Suuqa Bakaaraha,
gaar ahaan Suuqa Hilibka.

Sida Wararka looga helaayo Suuqa
Bakaaraha ayaa waxay
sheegayaan in Ciidamadu, ay
arkeyn nin dhalinyaro oo
bistoolad ku hubeysan, kaasoo
ay durbaba u qaateen inuu ka
tirsan Ciidamada Amniyaadka ee Shabaabul Mujaahidiin.

Askar Ka Tirsan Ciidamada Dowladda ayaa waxay
sare u rideen rasaas, laakiin dad
fara badan oo goobtaasi
maraayay waxayna amuurtaasi dhalisay
inay rasaas hoosta ugu dhigaan,
iyagoo ka duulaaya inuusan
baxsan ninkii hubeysnaa, oo
shacabka ku dhex milmay.

Kadib Rasaastii ay hoosta u fureyn
Ciidamada Dowladda, ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku
dhinteen laba kamid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha,
xilli ay ka rawaaxayeen
goobahooda shaqo.

Wararka ayaa waxay intaasi ku
darayaan inuu jiro hal ruux oo
rasaastaan ku dhaawacmay,
kaasoo loo qaaday xaruumaha
caafimaadka ee Magaalada.

Ciidamadii Dowladda ayaanan ku guuleysan inay gacanta ku
soo dhigaan ninkii bistoolada ku
hubeysnaa, oo ka faa’iideystay
dadkii markii ay
rasaasta sare u ridayeen.

Ciidamada Dowladda, ayaa ku dhiiran waayeen ninkii
bistoolada ku hubeysnaa, markii
ay uga shakiyeen Amniyaadka
Shabaab Walina Kama Hadlin Saraakiisha Dowladda falkaani Maanta Ka Dhacay Bakaaraha.