iidamada nabad sugida Somalia iyo Booliska AMISOM ayaa saaka howlgalo balaaran ka sameeyey qeybo ka mid ah degmooyinka Yaaqshiid, Boondheere iyo Shibis ee magaalada Muqdisho.
Howlgalkan oo ahaa mid balaaran ayaa laga sameeyey xaafadaha u dhexeeya wadooyinka Sanca, Nasiib buundo, afarta Jardiino, Maana booliyo, Geed qalooc iyo xaafado kale.
“Xaafadaha guri guri ayaa loo baaray dhamaan wixii rag ah si aan kala sooc laheyn ayaa loo qab-qabanayey” sidaas waxa yiri goob jooge ku sugan xaafada Nasiib Buundo.
Dadka la qaqabbtay oo qiyaastii gaarayey 400 oo qof una badan dhalinyaro ayaa lagu gurayey gaadiid shabaqlayaal ah oo laamiyada taagnaa kuwaasoo gaarsiinayey xarunta dembi baarista Booliska ee CID, waxaana ku jira dadka la xiray arday wax ka dhigata dugsiyada iyo jaamacadaha iyo dad shaqooyin kala duwan shaqooyinkooda u socday sida dadka degaanadaas ay sheegayaan.
Dhalinyaradan faraha badan ee la qabqabtay ayaa waxaa looga shakisan yahay iney ku jiraan kuwo falal amaan daro ku lug leh kana tirsan Xarakada Al-shabaab.
Howlgalkan ayaa sababay iney xirmaan wadooyinka dhexmara xaafadaha ay ciidamadu ku jireen, halkaasoo loo diiday iney maraan gaadiidka noocyadiisa kala duwan marka laga reebo kuwa ciidamada, iyadoo dadkuna ay cagtooda maalayeen, waxaana sidoo kale hakad galay ganacsiga inkastoo wadooyinka iyo suuqyada ay dib u furmeen duhurnimadii maanta.
Ma jiro war ku saabsan howlgaladan oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowlada hase ahaatee waxay qeyb ka yihiin howlgalo isdaba joog ah oo maalmihii ugu dambeeyey ciidamada dowlada iyo AMISOM ay ka wadeen magaalada Muqdisho.




