Maamulka Jubbaland Garabka Axmed Madobe oo sheegay in aysan wax saamayn ah ku lahayn diidmada Dowladda Somalia.

0
492

FartaagMadaxweyne ku xigeen Maamulka Jubbaland Gen Abduaahi Sheikh Ismacil Fartaag Oo la hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay In ciidmada dowlada soomaaliya aysan waxba u dhimeynin maamulka jubbalanad islmarkana ay ka wada shaqeyaan xaqiijinta amaanka Magaalada kismaayo
Fartaag Oo Hadalkiisa Sii ayaa waxaa uu ka hadlay kooxaha ka soo horjeeda Maamulka Jubblanad uu Hogaaminaayo Axmed Madowe isagoona xusay in mar walba ay jiraan dad ka hor yimada Hormarka la gaaro islmarkana ay ugu baaqayan mucaardka Jubbalanad in ay joojiyaan kana qeyb qaataan dib u dhiska Maamulka Jubbaland
Madaxweyne ku xigenka ayaa dhinac la weydiiyay mowqifkooda ku aadan arinta dowlada soomaaliya isagoona tilmaamay in maamulka jubbaland uu taageersan yahay dowlada soomaaliya islamrkana dasturka dalka uu dhigayo in wixii ka badan laba gobol ay sameysan karaan maamul
Hadalka ka soo yeeray maamulka Jubbaland ayaa ku soo beegmay xilli mudooyinki dambe magalada kismaayo ay ku qul qulayeen wafuud caalami oo kale imaaneysa Caalamka