Madaxweynaha Galmudug Oo Ka Hadlay Amaanka Galmudug iyo Balaarinta Galmudug.

0
505

QeybdiidMadaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid Oo ka hadlayay Munaasnad Ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in Maamulka Galmudug uu Wado Dadaalo uu ku doonaayo in uu wax ugu qabto amanka deegaanada Galmudug maadama dhawaan deeegaanka ceel huur ee Gobolka Mudug maleshiyaad hubeysan ay ku dileen sarkaal ka tirsna haayada SDRO Kaasi oo ka jeeda Deegaanada Galmudug
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhalanyarada in ay gacan ay siiyaan ciidmada amaanka si buu yiri wax loga qabto amaanka deegaanada galmudug
Qeybdiid Oo hadalkiisa Sii Wata ayaa sheegay in ay ku howlan yihiin balaarinta Maamulka Galmudug maadama magaca galmudug uu ka kooban yahay Gobolada mudug iyo galguud
Wuxuuna ugu baaqay beelaha ka soo jeeda galmudug in ay kaalin ay ka qaataan arinta Balaarinta Galmudug
Hadalka ka soo baxay Madaxweynaha Galmudug ayaa ku soo beegmaya xilli mudooyinkii dambe ay jiraan howgalo xoogan oo ay wadaan ciidmada amaanka galmudug kuwaasi oo ay ku doonayaan in ay ku xaqiijiyaan amaanka deeganada galmudug