Madaxda dalalka Xubnaha IGAD ayaa maanta kulan xasaasi ah ku yeelanaya magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, kaasoo ay kaga hadli doonaan xaaladaha gobolada Jubbooyinka iyo muranka ka taagan magaalada Kismaayo.
Madaxweynayaasha IGAD oo gelinka dambe ee maanta kulan gaar ah ku yeelanaya Addis ababaa ayaa waxay dhageysan doonaan warbixin ay soo saareen guddi farsamo oo ay IGAD horraantii bishan u saartay inay arrinta Kismaayo baaraan.
Guddiga farsamo ee IGAD ay u saartay arrinta Kismaayo ayaa waxaa madax u ahaa xoghayaha guud ee IGAD, Maxbuub Macallin waxaana warbixintooda ay u gudbiyeen madaxda ururka, iyagoo soo jeediyey talooyin ay ka mid yihiin in dowlada Somalia looga dambeeyo arrimaha maamul sameynta Jubooyinka.
Madaxweynaha Somalia, Xasan Shiikh oo shalay galab gaaray magaalada Addis Ababa ayaa qayb ka ah madaxda IGAD ee maanta kulanka yeelanaya.
Guddigan ayaa socdaal ku maray magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo dhowaan waxaana guddigan ay kulamo kala duwan la qaateen hoggaamiyeayaasha isku haysta madaxweynaha Jubbaland iyo madaxda dowlada Somalia.
Wasiirada arrimaha dibadda ee IGAD ayaa dajin doona qorshayaasha ay ka doodayaan madaxda IGAD kuwaasoo saaka kulan gaar ah ku leh magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya.
Madaxda IGAD ayaa qeyb ka ah 50 madaxweyne oo maalinta berri ka qaybgalaya kulanka madaxda Afirka iyo xuska 50-guuradii aasaaska Midowga Afirka oo ka dhici doona Addis Ababa oo ay ku taalo xarunta dhexe ee ururka Midowga Afrika.
Kismaayo waxaa ka taagan muran ku saabsan cidda hoggaaminaysa maamulka Jubaland oo magaaladaas looga dhawaaqay, iyadoo ay xilkan isku haystaan shan ruux oo ay ku jiraan Axmed Madoobe iyo Barre Hiiraale, waxaana halkaas ka jirta xiisado haddii aan xal deg deg ah loo helin keeni kara dagaalo dhexmara qabaailka ay ka soo kala jeedaanm siyaasiyiinta awooda ku loolamaya.




