Kismaayo oo Xalay Wariye Lagu Dhaawacay.

0
702

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya inb Kooxo hubeysan Xalay ku dhaawacay xaafada Farjano oo ka tirsan magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose weriye ka tirsanaa bahda warbaahinta ee ka howlgasha magaaladaas.
Saxafiga la dhaawacay oo lagu magacaabo C/qaadir C/risaaq Jaamac JiijiilePistola ayaa waxaa uu ka howlgalayey xarunta Tv-ga Royal ee magaalada Kismaayo iyo warbaahino kale.
“Wax yar ka dib markii uu ka tegay goobtiisa shaqada kuna sii jeeday hoygiisa ayaa weriye C/qaadir Jiijiile waxaa wadada u galay labo nin oo ku hubeysnaa bastoolad iyo qori Ak-46 ah kuwaasoo ku dhaawacay xaafada Farjano iyagoo isku dayeyey iney dilaan” sidaa waxaa tiri weriye Kaafiyo Cumar Xasan oo ku sugan Kismaayo.
Weriyaha oo dhaawac fudud uu ka soo gaaray dhinaca qoorta ayaa la dhigay isbitaalka magaalada Kismaayo, waxaana jira warar sheegaya in ciidamo taabacsan dowlada Somalia oo ku sugnaa warshadii hilibka Kismaayo ay qabteen mid ka mid ah labada nin ee falkaas geystay oo watay bastoolad.
Ma jiro illaa hadda war arintan ku saabsan oo ka soo baxay maamulka magaalada Kismaayo hase ahaatee C/qaadir Jiijiile ayaa noqonaya weriyihii ugu horeeyey ee lagu weeraro magaalada Kismaayo tan iyo markii ay halkaas la wareegeen sanadkii hore ciidamada Kenya iyo kuwo Soomaali ah.