Waxaa ka jira gudaha dalka soomaaliya musuqmaasuq aad u ba’an oo saameeya hey’adaha dawliga ah ee dalka,wasaaradaha iyo kuwa sheegta in ay yihiin NGO ka shaqeeya samafal iyo taakuleynta dadka danyarta ah,kuwaasoo aaney jirin cid kootoroosha iyo la xisaabtan ay ogolyihiin kadib markii ay wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ay ka heleen shahaado muujineysa magacooda iyo in ay samafal ka shaqeeyaan.
Waxaanan idiin soo gudbineynaa warbixin iyo cadeymo la xiriira sida ay hey’adahaasi u kala musuqmaasuq badanyihiin,cidda maamusha oo soomaaliya wakiilka uga ah iyo sida ay u shaqeeyaanba,anagoo idiin kala horeysiineyna oo maalinba mid soo qaadan doona waxaana ka mid ah kuwa ugu horeeya ee aan shacabka usoo bandhigi doono hey’adaha ama NGO yada lala yaabanyahey sida ay u shaqeeyaan kuwa kala ah:
D.R.C Danish refuge commision,N.R.C Nowrgian refugee commision, D.B.G. oo magaceeda la afsoomaaliyeeyey si bulshada loogu qaldo loona bixiyey (Daryeel Bulsho Guud) waxeyna sadexda xaraf ee magacani u taaganyihiin micno kale oo aan idiin soo gudbindoono iyo kuwo kale oo fara badan.
Waxaan maanta idiin soo gudbineynaa macluumaadka hey’adda D.R.C,oo aan jecelnahey in aad uga bogan doontaan qormada ciwaankeedu yahey (maxey qabataa hey’adda ama NGO ga D.R.C?Yaase maamula?Sideyse u shaqeysaa?).




