Dooni Hub ka qaaday Somalia oo Gaartay Yemen.

0
486

DooniSida ay Sheegayaan Wararka ka imaanaya dalka Yamen dooni ka tagtay dalka Soomaaliya oo gaartay dalkaasi ay wadday hub noocyo kala duwan ah, kaasoo aan la ogeyn cidda iska leh iyo dadka loo waday sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Sirdoonka dalka Yamen.
Saraakiisha Yemen ee dhinaca Sirdoonka ayaa waxay sheegeen in doontan oo ka tagtay gudaha dalka Soomaaliya ay ku xiratay xeebaha gobolka Ticis halkaasna looga rogay hubkii ay waday.
Doonta ayaa la sheegay in laga leeyahay dalka Yamen, isla markaasna uu leeyahay nin la sheegay inuu ka ganacsado hubka, waxaana doontan la sheegay inay saarnaayeen 12-konteynar oo hub ah.
Saraakiisha ciidamada amaanka ee gobolka Tacis ayaa ka gaabsasday arintan, inkastoo ay jiraan qeybo kale oo ka mid ah ciidamada degaankaas ku sugan oo xaqiijinaya inay doontaasi siday hub, isla markaasna aan la qaban dadkii hubkan waday.
Waxaa la sheegay in hubkaasi gudaha loo geliyey dalka Yemen Goobta laga dejiyeyna ay ka mid tahay meelaha dadka Tahriibka Soomaalida ah laga dejiyo.
Markii hubka laga dejiyay ayaa waxaa waxaa la sheegay in doonidan ay si degdeg ah dib ugu laabatay dalka Soomaaliya.
Yamen ayaa horey looga keeni jiray hubka la soo geliyo dalka Soomaaliya, hase ahaatee warkan sheegaya in hubka uu ka baxay Soomaaliya lana geeyay dalka Yamen ayaa ah mid dad badan yaabiyey.
Sirdoonka Yemen Yemen ayaa sheegay iney baarayaan in hubkan ka yimid Somalia ay soo direen Al-shabaab uuna ku socday Al-qaacidada ay gacan saarka leeyihiin ee ka dagalamaya koonfurta dalkaas.