Dilal loo gaystay Nabadoon iyo Askari oo kala dhacay Boosaso iyo Galkacyo.

0
462

dilalKooxo hubeysan ayaa xalay fiidnimadii siyaabo kala gooni ah dilal uga geystay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso ee maamulka Puntland.
Dilka hore ayaa ka dhacay xaafada horumar ee woqooyiga magaalada Gaalkacyo ka dib markii rag bastoolado ku hubeysan ay rasaas ku fureen nabadoon caan ah oo magaciisa lagu soo gaabiyey nabadoon Faaruuq.
Kooxaha dilka geystay ayaa baxsaday, daqiiqado ka dibna waxaa goobta yimid ciidamada Puntland oo xirxiray tiro dad ah oo la tuhmayo, lamana oga illaa hadda cida ka dambeysa dilka nabadoonka iyo sababta loo dilay.
Dhinaca kale, askari ka tirsan ciidamada Booliska Puntland ayaa lagu toogtay bartamaha magaalada Boosaaso wax yar ka dib markii uu ka soo tegay saldhig Boolisku ku leeyihiin magaaladaas.
Ciidamo Boolis ah ayaa goobta uu dilku ka dhacay xiray iyagoo sameeyey baaritaano xoogan oo dad fara badan lagu soo xirxiray, iyadoo illaa hadda uusan jirin war ku saabsan dilalkan oo ka soo baxay laamaha amaanka Puntland.
Magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo ee maamulka Puntloand ayaa waxaa horey uga dhacay dilal iyo qaraxyo qaarkood ismiidaamin ahaa oo lagu qaarajiyey, masuuliyiin saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Puntland, iyo weliba dad shacab ah oo isugu jira culumaaudiin, nabadoono, weriyeyaal iyo dad kale.