Axmed Madoobe oo Maleeshiyaad ka keensaday Dowlad Deeganka Ethiopia.

0
484

Axmed madoobeMaleeshiyo beeleedyo boqolaal gaaraya ayaa laga soo daad gureeyey degaanada ismaamulka Soomaalida Itoobiya kuwaasoo la geeyey magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose oo ay ka taagan yihiin xiisado u dhexeeyo dhowr madaxweyne oo isku magacaabay maamulka Jubaland.
Maleeshiyo beeleedyadan ayaa ku heyb ah Axmed Madoobe oo ka mid ah siyaasiyiintan ugu tunka weyn Jubooyinka waxaana la sheegayaa in maalmihii ugu dambeeyey ay ku qulqulayeen magaalada Kismaayo, iyadoo dadka magaalada jooga ay sheegeen in maleeshiyooyinkan qaarkood aysan si fiican ugu hadli karin luuqada Soomaaliga
Tan iyo markii loo doortay labada masuul xilka Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland waxaa hoos ka socday abaabul ciidan oo ay wadaan beelaha ay ka soo kala jeedaan.
Col. Barre Hiiraale oo ah ninka ugu daran ee farqaha ku dhegan Axmed Madoobe ayaa horey magaaladaas u keenay maleeshiyooyin beeshiisa ka tirsan oo laga soo daad gureeyey degaano ka tirsan gobolka Gedo.
Maleeshiyooyinka labada dhinac ee buux dhaafiyey magaalada Kismaayo oo maalinba maalinta ka dambeysa halkaas lagu daad gureynayo ayaa sii kordhisay xiisadaha colaadeed ee ka dhex aloosan siyaasiyiinta loolanka adag ugu jira maamulka magaaladaas oo weligeed can ku aheyd iney ka taliso kooxdii xoog leh ee waqtigu u saamaxo.