Tababar Socday Muddo 3 Bilood Ayaa 197 sarkaal oo ka tirsan ciidanka
Booliska Soomaaliya Waxa Uu ugu soo xirmey dalka
Jabuuti.
Tababarkaani ayaa la xiriirey maareynta arrimaha guud, iyo
denbibaarista waxaana
bixinaayey Tababarayaal ka
tirsan ciidanka AMISOM iyo
Ciidamada Talyaaniga iyada oo
dhaqaalaha ku baxay ay bixisey
Dowladda Talyaanigu.
Ciidamo Gaaraya 182 Rag iyo 15 gabdhood ayaa ku guuleystey in ay tababarkaan
soo dhamaystaan, kuwaas oo
casharo ka qaadanaye, 32 ka
tirsan ciidanka Talyaaniga iyi 5
sarkaal oo ka socdey AMISOM.
Booliska Tababarka loo soo xirey
maanta ayaa 17 Jan 2013 laga
qaadey magaalada Muqdisho si kor loogu qaado aqoontooda
la xiriirta Booliska.
Soomaaliya Ayaa Mudaddii Ay ku jirtey
dagaalada Sokeeye iyo dowlad
la’aanta waxaa meesha ka baxay
hay’adihii sharciga ilaalin jirey
sida Booliska, iyaga oo kuwii
aqoonta u lahaa arrimaha
Boolisku ay noqdeen hawlgab,
waxaana beddeley dhalinyaro ku
tababartey arrimaha fawdada
kuwaas oo aan wax aqoon ah u
lahayn qaababka Boolisku
nabadda u ilaaliyo, Dowladihii
hore ee Soomaaliya waxaa
dhanka Booliska ka taageeri jirey
dalalkii
Talyaaniga iyo Masar Iyo Jarmalka.




