Cali Xirsi Barre Cali Gaab taliyaha ciidamada ilaalada
wadooyinka ayaa
waxaa uu hadlay amaan darida
ku soo korortay maalmahan
magaalada Muqdisho iyo qaabka
ay ku suuro gasho gawaarida
walxaha qarxa laga soo buuxiyo
ee lagu qarxiyo xarunaha
dowlada Soomaaliya.
General Cali Gaab ayaa sheegay inta
badan baabuurta ay Al-shabab u adeegsadaan qaraxyada ay
sitaan Taariko baabuur kale oo
dad leeyihiin kuwaasi oo ay ku
jiraan baabuur laga soo bixiyay
dekada magaalada Muqdisho Iyo Kuwa Ka Soo Daga Garoonka.
Waxa Uu Kalo Taliyaha dhinaca kale
muujiyay in amaan darida ay qaybka yihiin gawaarida ay ku xiran yihiin muraayadaha madowga Ah
ee ay adeegsadaan masuuliiyinta
dowlada iyo dadka kale ee aaminsan inay amaankooda ku
ilaashanayaan.
Sidoo Kale Cali Xirse Barre ayaa ka Codsaday dhamaan masuuliyiinta iyo
dadka kale ee shacabka ah In ay
ogolaadaan inay qaataan amarada ciidamada nabad
ilaalinta wadooyinka Ee Uu Madaxda U Yahay.
General Cali Xirse
Barre (Cali Gaag) taliyaha ciidamada ilaalada wadooyinka
ayaa Ugu Dambeyntii waxa uu ka codsaday
dhamaan cidkasta oo jecel inuu hagaago amaanka dalka ay la
shaqeeyaan ciidamada ilaalada wadooyinka Iyo Kuwa Amaanka Qaabilsan.




