R/wasaaraha soomaaliya cabdi faarax shirdoon iyo wafdi uu hugaaminayo ayaa maanta gaarey dalka burundi caasimadiisa bujunbuura,r/wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka bujunbuura kusoo dhaweeyey m/weyne kuxigeenka dalka burundi iyo qaar kamid ah wasiirada dalka burundi.
R/wasaare saacid oo soo marey dalalka jabuuti,ethiopia,ugandha,iyo burundi oo uu maanta gaarey isagoo dhamaantood kala hadlaya arrimaha amniga maadaama ay dalalkaas oo dhan ciidamo ka joogaan soomaaliya.
R/wasaaraha ayaa ka heley kaalmo milateri qaar kamid ah dalalka uu booqdey sida jabuuti iyo ugandha taas oo la filayo in ay wax u tarto ciidamada soomaaliya oo meel cidla ah ka fadhiya xaga qalabka ciidamadu ku hawlgalaan,waxeyna tani wax ka tari doontaa awooda ciidamada soomaaliya.
Safarka r/wasaaraha ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee uu ku aado dalal ka baxsan soomaaliya tan iyo intii xilka r/wasaaraha loo magacaabey,barlamaankuna shuruud la’aan ogolaadey,iyadoo la filayo in safarka r/wasaaruhu kusoo dhamaado dalka kenya oo in mudo ah uu degenaa ilaa hadana uu degenyahey.




