Mudanayasha Baarlamaanka oo Maanta kulan ku yeeshay Caasimadda.

0
464

Mudaneyaasha Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho iyagoo kulankan warbixino looga dhageystay qaar ka mid ah guddiyada Baarlamanka dalka.

Kala fadhiga 17-aad fadhigiisa labaad ee Baarlamanka Soomaaliya ay maanta ku yeesheen xarunta gobolaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo xaadiray 163 mudane waxaana shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamanka Mahad Cabdale Cawad iyadoo ajandaha maanta uu ahaa dhageysiga guddiyada kala ah Qeyraadka beeraha, Garsoorka, Reer Miyiga, dib u heshiisiinta iyo guddiga arrimaha gudaha iyo maamul u sameynta.
Guddiga arrimaha gudaha iyo maamul u sameynta baarlamanka oo warbixin ka siiyay mudaneyaasha baarlamanka Soomaaliya waxyaabihii u qabsaamay ayaa sheegay in ay ku guda jiraan baaritaanada Afartii ruux oo lagala baxay xabsiga iyo qaraxyadii ka dhacay Muqdisho ayna u qabsoomeen waxbadan.
Sidoo kale guddiga garsoorka ayaa tilmaamay in xabsiga dhexe ee Muqdisho ay ka jirto xaalad adag ayna ku xiran yihiin dad badan oo aan weli la xukumin.
Dhamaan gudiyada ayaa xusay in howlaha loo egmaday ay wax badan ka qabteen inta harsane ay ka qaban doonaan soona gudbin doonaan warbixin dhameystiran.
Mudaneyaasha Baarlamanka Soomaaliya oo matalaya dhamaan shacabka Soomaaliyeed ayaa waxa ay kulamadoodi ugu dambeeyay uu ahaa dhageysiga warbixinada guddiyada ka dhax dhisan baarlamanka Soomaaliya kuwaas oo loo xil saaray ka warbixinta qaabka ay u shaqeeyaan hay’adda