Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta waxaa uu ka qeyb-galay munaasabadda maalinta dhir beerida Soomaaliyeed, oo lagu qabtay Xarunta Villa Soomaaliya.
Munaasabdan ayaa waxaa kasoo qeyb-galay Wasiirka Qeyraadka C/risaaq Maxamed Cumar, Wasiiradda Arimmaha Bulshadda iyo masuuliyin ka socotay Qaramadda Midoobay.
Madaxweynaha oo war kooban ka sheegay munaasabadda ayaa ku sheegay in ay dambi ay tahay in la jaro dhirta lana dhoofiyo. “Waxaa jira sharciya ay dowladda Soomaaliya kasoo saartay jaridda dhirta biloowgii 1970kii, Waxaa kale oo jira resolutiono ay soo saartay Qaramadda Midoobay oo ku aadan dhuxusha iyo dhoofinteeda waa lama huraan in la dhaqan geliyo sharciyadaan” ayuu yiri Madaxweynaha dalka.
“Markale ayaan ku celinayaa dhoofinta dhuxusha waa danbi, Dhirteena waxaa ku xeran nolosheena, waa in aan hirgelino sharciyadda dalka iyo kuwa Caalamka si aan u badbaadno” ayuu mar kale yiri Madaxweyne Xasan.
Ugu danbeyntii ayuu Madaxweynaha wuxuu isla Madaxtooyadda ku beeray geed cusub lana dar-daarmay dhamaan shacabka Soomaaliyeed in guri walbo lagu beero geed.




