Wasaaradda maaliyadda iyo Qorsheynta Xukuumaadda Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay shirka hay’adda lacagta Adduunka ee IMF taas oo ay Soomaaliya ka qeyb galeyso muddo 22 sano ah ka dib kaasi oo dhawaan ka dhici doono dalka Mareykanka.
Maxamed Raashiid Sheekh oo ah Wasiiru dowlaha wasaaradda maaliyadda iyo Qorsheynta xukuumaadda Soomaaliya ayaa sheegay in shirka hay’adda lacag adduunka ee Soomaaliya lagu casuumay 22 sano kadib ay farxad u tahay Soomaaliya ayna kala qeyb galayaan in ka badan180 dowladood ee xubnaha ka ah hay’adda, wasiirada maaliyadda iyo guddoomiyeyaasha bangiyada dhexe.
Dhinaca kale wasiiru dowlaha ayaa xusay in shirkan uu muujinayo hormarka ay ku talaabsatay dowladda Soomaaliya , waxa uuna tilmaamay in lacago deen ah lagu leeyaha Soomaaliya ayna ka maqan tahay lacago badan.
Hay’adda IMF-ta ayaa qabata Shirkan sanad kasta waana markii ugu horeeysay oo ay Somalia ka qeyb gasho.




