Xasan Sheekh Maxamuud ayaa oo ah Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa Saakay ka ambabaxay magaalada Muqdisho,isagoo ku sii jeeday magaalada Nairobi oo uu kaga qeybgalayo caleema saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo waaberigii saakay ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku sii sagootiyay mas’uuliyiin ka tirsan Labada gole iyo saraakiil ciidan.
Madaxweynaha ayaa magaalada Nairobi kaga qeybgalaya caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee Kenya Uhura Kenyata oo dhawaan ku guuleeystay doorashadii ka dhacday dalkaasi.
Wafdiga Madaxweynaha ayaaa gaaray Magaalada Neyroobi dalka Kenya halkaas oo uu kusoo dhaweeyay dhigiisa dalka Kenya Uhuro Kenyatta.
Booqashada madaxweynaha ayaa qaadandoonta hal maalin waxaana la filayaa in uu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho.




