Mareykanka oo Tababaro iyo Hub Siinaayo Somalia.

0
240

Madaxweynaha dalka Mareykanka Baracka Obama ayaa sheegay in dowlada Mareykanka ay tababaro iyo qalabaynba u sameyn doonto ciidamada qalabka sida ee Somaliyeed si loo xoojiyo xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya.

War ka soo baxay aqalka cad ee looga arimiyo dowlada Mareykanka ayaa lagu sheegay in Madaxwewyne Obaama uu ku wargeliyay wasiirka arimaha dibada ee dalkaasi Jon Kery in mustaqbalka dhow uu ku talagali doono hirgelinta Hindisahaasi.

Obama ayaa sheegey in ay qalabayndoonaan ciidamada dowlada Soomaaliya taasi oo uu ku tilmaamay in ay kaalin ka qaadan karo amaanka dalka Mareykanka Soomaliya iyo nabada dunida oo dhan.

Wakaalada waraarka Associated Press oo soo xiganaysao madaxda dalkaasi Ayaa sheegeysa in Afhayeenka u hadlay gudiga Amniga Qaranka ee Mareykanka Catlin Heyden uu xusay in Soomaaliya haatan ay ka soo kabaneyso dhibaatooyinka ay soo martay 20 sano ee la soo dhaafay waxaana uu intaasi ku daray in Washington ay aqoonsantahay dowlada federaalka Somaliya oo soo celisay rajadii umada Soomaaliyeed.

Mareykanka ayaa sheegey in Alqaacidada Soomaaliya laga itaal roonaaday tan iyo markii ciidamada qalabka sidaa ee Soomaaliyeed iyo kuwa AIMSO ay ka saareen Muqdisho laakiinse ay dhici karto in weli meelaha qaar ay ku harsan yihiin.