Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay inay sugeeyso Amniga Culimada Soomaaliyeed kadib markii uu shalay iskuday dil ka badabaday gudoomiyaha Hay’ada culimada Soomaaliyeed iyadoo cambaareysay weerarkaaa.
Wasiirka Warfaainta, Isgaarsiinta iyo Gaadiidga Cirka iyo Dhulka Mudane C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo shacabka Soomaaliyeed kala hadlay warbaahinta Dowlada ayaa si kulul u cambaareeyay isku daygii fashilmay ee maleeshiyada Alaqaacidada Soomaaliyeed ku doonayeen in ay ku qaarijiyaan Sheekh Bashiir Axmed Salad, gudoomiyaha hey’ada Culimada Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa sheegay in xukuumadu ay ka digtoontahay Qatar waliba oo ay isku dayaan maleeshiyaadka Alqaacida soo maleegto.
WDhanka kale Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta mudane Ciilmooge Xirsi Ayaa ugubaaqay shacabka Soomaaliyeed in aay culimadooda ka difaacaan Maleeshiyaadka Al shabaab oo aysan marnaba u ogalaanin in culumaa’udiinka oo ah indha ummadda ay ku dhex ugaarsadaan maleeshiyaadka usoo jeestay baabi;inta ummadda Soomaaliyeed.
Maalintii shalay ayeey aheyd markii Sheekh Bashiir Axmed Salaad gudoomiyaha daladda culumaa’udiinka Soomaaliyeed uu ka badbaaday qarax la doonayay in lagu qaarijiyo Sheekha.




