Ma dhabbaa in madaxda dalka ugu sareyso ay dalka debedda uga maqanyihiin dastuurkuna uusan ogoleyn?.

0
264

Waxaa beryahan leysla dhexmarayaa in madaxda dalka ugu sareysa sida m/weynaha,gud.barlamaanka,iyo r/wasaaraha,taas oo kasoo horjeeda dastuurka dalka iyo qawaaniinta dal u degsan.

Lama oga waxa ay isku difaacayaan hadii la weydiiyo bal sida ay ugu dhiiradeen in ay hugaamintii dalka meel cidlaa uga tagaan ama ay illaawaan xilka ay qaranka u hayeen,hase ahaatee dalka soomaaliya malaheyn hugaan marka laga reebo madaxda ka hooseysa sadexda masuul ee dalka ugu sareysa taas oo aad moodo in aysan saxaafada iyo shacabkuba ku baraarugsaneyn,sababtoo ah lama hayo cid soo hadalqaadey kiiskan qaran.

Waa markii ugu horeysey ee qaranka soo marta in madaxda dalka ugu sareysa ay dalka debedda uga baxaan,waxeyna tani kusoo beegmeysaa iyadoo dalku ku jiro dagaal ayna joogaan ciidamo shisheeye oo dalka oo dhan lala wareegi karo.