Xog Muhiim Ah Oo Ku Aadan Kufsiga Haween Loogu Geesto Xeryaha Qaxootiga Soomaaliya.

0
276

Magaalada Muqdisho, oo kaliya
waxaa ku yaala xeryo gaaraya
513, oo ay ku noolyihiin dad
barakacayaal Ah, waxaana had iyo jeer
kadhaca xadgudubyo dhanka galmada ah, oo aad u badan,
kuwaasoo ka dhaca xeryaha
barakacayaasha gudahooda.

Xadgudubyada galmada, ee ka
dhaca goobaha ay Colaada
kajirto, sanadooyin farabadan oo
Colaad iyo macluul kajirtay
Soomaaliya ayaa waxay keentay
in, in kabadan hal milyan oo qof
ay kabarakacaan dalka, dumarka
ayaana si gaar ah kuwo ugu
nugul xadgudubyada.

Ku Dhawaad Waxaa diiwaangashan
1,700 dhacdo oo kufsi ah, sanadkii tagay, inta badan
Kufsiga waxaa geysta xoogaga amaanka ee doowlada Soomaaliya.

Xadgudubyada dhinaca galmada ee ka dhaca xeryaha
dadka barakacay, waxaa dhab
ahaantii geysta rag hubeysan oo
ku labisan dareyska Ciidanka,
waxaana laga yaabaa ineey yihiin
maleeshiyo, sidoo kalena Waxaa laga yaabaa ineey yihiin boolis,
ama Ciidanka Milatariga.

Waxaa Jira Boqolaal Haweyn lakufsaday 6
bilood kahor, waxayna Jiro xanuun uga dhacay
Guumeerka iyo Caabuq, waxaana
intaas usii dheer dhibaatada
maskaxda ah oo ay ku reebtay
dhacdadaasi Loo Geestay Iyadoona Ilaa Iyo Haatan Aan La daba galin,ama aysan Ka dacwoon dadkii dhibkaan u geystay, marka
laga reebo in kufsigu yahay arin
ceeb ah oo aan laga hadlin,
waxaa intaas sii dheer cabsi ay
qabaan dumarka lakufsanayo ,
kadib markii qaar kamid ah
dumar lakufsaday markii ay
dacwoodeen loo goodiyo, ama Ay
Xabsi U Taxaabaan Raga Dhibaatadaasi Ka Dambeyey.

Xadgudubyadaan ayaa dhacaya
Xili magaalada Muqdisho ay
kajirto xaalad amaan oo aad u
sareysa Iyadoona Ay Hogaanka Ugu Sareeya Dalka Ay Sheegaan In Ay Wax Ka Qaban Doonaan Falalkaasi.