Korneyl barre aadan shire barre hiiraalle oo hore mar kismaayo xukumi jirey,kana mid ahaa hugaamiye kooxeedyadi ay maxkamadihii islaamigu meesha ka saareen ayaa kismaayo tagey.
Korneylka lama oga sababta uu kismaayo u tagey haseyeeshee waxaa la sheegayaa in korneylka kismaayo mar qura lagu arkey uuna magaalada kasoo galey dhanka badda isaga iyo ciidamo aan sidaas u badneyn oo illaalo isaga u ah.
Dhanka kale waxaa socda qabanqaabada doorashada m/weynaha jubaland state oo ay isku maandhaafsanyihiin sadex musharax oo hal beel kasoo wada jeeda,waxaana la sheegayaa in shirka laga saarey beelaha qaar iyadoo loo arkey in ay dhinac kale wax u wadaan,waxaana hadda xareysan odey dhaqameedyadii ergooyinka soo xuli lahaa oo ka kooban ilaa iyo 30 sodon odeydhaqameed.
Safarka barre hiiraale ee kismaayo uu ku tagey ayaa kusoo beegmaya waqti ay ku kala aragti duwanyihiin beesha sade ee uu barre kasoo jeedo iyo tan absame ee uu shekh axmed madobe kasoo jeedo,waxaana xiligan muqdisho ku sugan mid kamid ah siyaasiyiinta beesha sade oo hore muqdisho loogu doortey in uu m/weyne ka noqdo maamulka jubaland state ina cali shire oo ay beesha sade hore ugu dhawaaqdey.




