Mid kamid ah ku xigeenada garyaqaanka guud ee qaranka axmed sh nuur oo ay kooxo hubeysani toogteen.

0
205

Waxa allaha u naxariistee la diley mid kamid ah kuxigeenada garyaqaanka guud ee qaranka oo lagu magacaabi jirey axmed shekh nuur maalin,kaas oo uu adeer u ahaa ganacsade abukar cumar caddaan.

Masuulkan ka tirsanaa xafiiska garyaqaanka guud ee qaranka soomaaliya ayaa waxaa la soo sheegey in isagoo ku sugan agagaarka hotelka ramadaan ay toogteen kooxo ku hubeysan bistoolado,kuwaasoo goobta ka baxsadey dilka ay geysteen kadib,ma jirto cid loo soo qabtey tuhunka dilka allaha u naxariistee axmed sh. Nuur maalin.

Dilalka lagu beegsado dadka wax tarka ah ayaa muqdisho ka noqdey kuwo iska caadi ah oo aan cidina la yaabin ama ka argagixin sidii berigii hore dhici jirtey,waxeyna tani ku soo beegmeysaa iyadoo dhawaan xarakada alshabaab weerar ku qaadeen dhismaha maxkamadaha dalka ayna ku dileen in ka badan 30 qof ayna ku dhaawaceen ku dhawaad 60 qof oo isugu jira garsooreyaal,qareeno, shaqaale ,iyo dad shacab ah.