Wasirka Arrimaha Dibadda Ethiopia oo Sheegay inay kala baxayan Ciidankooda dalka Somalia.

0
456

Tedros Adhanom oo ahWasiirka arrimaha dibbada dawlada Ethiopia oo ka hor hadlayay fadhi golaha ammaanka ee Q,M xalay ku yeesheen magaalada New York ayaa waxaa uu sheegay in madaxda midawga Africa iyo dawlada Soomaaliyaba ay bilooyin ka hor ku war galiyeen inay ciidamadooda Soomaaliya kala baxayaan oo aysan aheyn arrin deg deg ah.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Waxaa uu sheegay in hadalki dhawaan kasoo yeeray Ra’iisul Wasaaraha dalkiisa uusan macno ahaan muujinayn in deg deg uu ku jiro ka bixitaanka ciidamka Ethiopia hase ahaatee ay tahay arrin horey loo ogaa.
Tedros Adhanom wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia waxaa uu sheegay in ujeedkoodu uusan aheyn inay qal qal galiyaan amaanka Soomaaliya hase ahaatee ujeedku yahay in la buuxiyo booska ciidamada Ethiopia.
“R/wasaaruhu waxaa uu sheegay in ciidamada Ethiopia ay Soomaaliya ka baxayaan loona baahanyahay in Ciidamada AMISOM ay deg deg u tagaan goobaha ay hadda ciidamada Ethiopia ku sugan yihiin” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia Tedros Adhanom.
Wuxuu intaas ku daray Wasiirka Tedros Adhanom in ay muhiimadooda 1-aad ay tahay inay Somalia hesho nabad iyo xasilooni taasna ay iyaga ahmiyadda ugu horeeyso siinayaan.
Maalintii talaadada ayaa Ra’iisul wasaaraha Ethiopia uu u sheegay Barlamanka dalkiisa inay ciidankooda ka jooga Somalia kala soo baxayaan.