Iyadoo maanta laga maamuusey meelo badan 17ka april oo ku asteysan maalin loogu talogaley in leysku baraarujiyo dhawrista dhirta iyo beeritaankeedaba,ayaa waxaa aqalka madaxtooyada ku beerey hal geed oo canbe ah madaxweynaha dawlada federalka xasan sheekh maxamuud.
Madaxweynaha jamhuuriyada soomaaliya ayaa ka codsadey in qof kasta gurigiisa hortiisa ku beero hal geed isla markaana guri kastaa yeesho geed,wuxuuna ka codsadey bulshada soomaaliyeed in ay dhawraan dhirta kana illaalshaan jarista iyo gubista si buu yiri dhulka looga ilaaliyo nabaadguur iyo roob la’aanta.
Waa markii ugu horeysey ee madaxweyne xasan sheekh uu ka qeybqaato wacyigelitaan la xiriirta dhawrista dhirta iyadoo ay tani imaneyso xilli la sheegayo in dhuxusha soomaaliya laga dhoofiyey ay ka badantahey afar laab mida dalka gudihiisa lagu isticmaaley,taas oo inteeda ugu badan laga dhoofiyey dekedda magaalada kismaayo oo ay hada maamulaan ururka raaskamboodi ee uu hugaamiyo shekh axmed madoobe.




