War Deg Deg:Wariye C/casiis Koronto oo Dib Xoriyadiisa u hellay.

0
507

Wararka naga soo gaaraya Xarunta Maxkamadda Sare ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Wariye C/casiis Cabdi nuur Ibraahin Koronto oo dhawaan Maxkamadda gobolka Banadir ay ku xukuntay xarig Hal Sanno ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ayaa ku dhawaaqay in uu dib u hellay Xoriyadiisa Wariye C/casiis Koronto oo ilaa labo jeer maxkamadda Gobolka Banadir ay ku xukuntay Hal Sanno iyadoo Maxkamadda Racfaanka ay qafiifisay xukunkiisa isla markaasna lix bilood ka dhigtay iyadoo ugu dambeyn ay maanta maxkamadda Sare ay fasaxday oo ay dib xorriyadiisa ay u siisay Wariye C/Casiis Koronto.

Wariye Koronto ayaa lagu eedeyay dambi ah inuu qoray War bixin been abuur ah oo ku aadanayd Haweenay la kufsaday taas oo shegtay in ciidamada dowladda ay fara xumeeyeen.