Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya gobolka Shabelaha Hoose Ugu yaraan labo ruux ayaa ku geeriyootay, shan kalena wey ku dhaawacmeen shil gaari oo saaka ka dhacay degaanka Beledul Amiin oo ku yaala duleedka degmada Wanle-weyn ee gobolka Sh/hoose.
Gaariga shilka galay oo ahaa kuwa xamuulka qaada ee noociisu ahaa TM ayaa ka baxay degaano ka tirsan Sh/hoose isagoo waday khudaar kuna sii jeeday magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Shilkan ayaa yimid ka dib markii uu rogmaday gaarigaas xili uu ku socday xawaare dheereeya taasoo keentay in khasaarahan uu geysto, waxaana u gurmaday dadweynaha ku dhaqan tuulada Beledul-amiin.
Labada ruux ee geeriyootay iyo kuwa dhaawaca ah ayaa dhamaantood ka mid ahaa rakaab dusha ka saarnaa gaariga xamuulka, waxaana kuwa dhintay ku fariistay gaariga rogmaday, iyadoo dadka ku dhaawacmay shilkaas oo jajab dhinaca lafaha ah qaba loo soo qaaday magaalada Muqdisho.




