R/Wasare Saacid oo sheegay in ay dib dowladda ula wareegi doonto Degmada Xudur.

0
447

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa shalay sheegay in dowladdiisu ay qorsheyneyso sidii ay si deg-deg ah dib ula wareegi lahayd magaalada Xuddur ee gobolka Bakool oo Axaddii la soo dhaafay ay qabsatay maleeshiyada al-Shabaab.

Dhinaca kale raysul wasaaraha ayaa si kulul u cambaareeyay dil kooxda al-Shabaab ay habeen hore ugu geysatay gudaha magaalada Xuddur Sheekh Cabdiraxmaan Macallin Warsame oo ka mid ahaa culumaa’uddiinka waa-weyn ee gobolka Bakool.

“Falkan wuxuushnimada ah nagama hor istaagayo inaan horey u sii soconno, waxaan kala shaqeyneynaa ciidanka xoogga Soomaaliyeed iyo saaxiibbadeen sidii aan dib ula wareegi lahayn magaalada,” raysul wasaaraha ayaa sheegay. “Waan guuleysan doonnaa.”

Sida ay sheegeen dadka deegaanka, rag hubaysan oo ka tirsan kooxda al-Shabaab ayaa Sheekh Cabdiraxmaan waxay habeen hore kala baxeen gurigiisa, iyadoo meydka Sheekha shalay lagu arkay meel u dhow gurigiisa.

Sheekh Cabdiraxmaan ayaa la sheegay in muddo 40 sano ah uu Imaam ka ahaa masaajid ku yaalla magaalada Xuddur, kana aqrin jiray duruusta diiniga ah, gaar ahaan Tafsiirka Qur’aanka.

Maleeshiyada al-Shabaab ayaa Axaddii dib ula wareegtay gacan ku haynta magaalo madaxda gobolka Bakool ee Xuddur kaddib markii ciidankii Itoobiyaanka ee halkaas joogay tan iyo 2011 ay ka baxeen magaalada.