Maxkamada gobolka banaadir ayaa maanta dhageysatey dacwado lagu soo oogey 12 maxbuus oo loo heystey denbiyo kala duwan.
Gudoomiyaha maxkamada gobolka banaadir dr xaashi cilmi nuur ayaa xukun ku ridey lix ka mid ah dadki dacwada loo heystey,halka lixda kale dib loo dhigey kadib markii ay kala dhimanaadeen eedihii iyo cadeymihii xafiiska xeer ilaalinta.
Mana aha markii ugu horeysey ee maxkamada gobolku xukunto eedeysaneyaal denbiyo kala duwan loo heysto,hase yeeshee xukunka maanta ayaa kusoo beegmaya iyadoo qaramada midoobey qoraal ku sheegtey in garsoorka soomaaliya ay haboontahey in dib loo eego.




