Waxaa maanta shir ku yeeshey odayaal iyo xildhibaano barlamaanka ka tirsan iyagoo sheegey in c/raxmaan maxamed cali oo maxkamada darajada koowaad ee puntland dil ku xukuntey.
Ninkan la sheegey in dilka lagu xukumey ayaa waxaa lagu qabtey sida la sheegey jeeso ama tamaashiirta caruurta wax loogu dhigo,iyadoo aabihiina ka hadley goobta ayaa waxa uu ku hanjabey hadii aan wiilkiisa loo soo deyn uu isna u aari doono,arinkan oo dad badan xusuusinaya dagaaladii qabaa’ilka iyo nidaamki fawdada ahaa.
Waxaase wax lala yaabo ah in shaqsi xildhibaan qaran ahi uu ka qeyb galo shir qabiil isagoo qeyb ka ah handadaada iyo caadifada qabyaalada qabiilka ku saleysan,waana markii ugu horeysey ee la arko indhawaalaba habka maanta uu shirkani ku socdey,wuxuuna kusoo beegmayaa iyadoo maamulada dalka ka jiraa ay kuligood si isku wada mid ah ula dagaalamayaan xarakada islaamiga ah ee alshabaab.




