Ciidamo amisom ah oo gaarey xubin iyo xeeb xaruntooda cadaado.

0
475

Ciidamo ka socda amisom gaar ahaan kuwa dalka jabuuti ayaa xaley gaarey magaalada cadaado,ciidamadan ayaa beryahan waxey calaamad u ahaayeen meelaha uu imanayo r/wasaaraha oo gobolka galguduud booqasho ku maraya.

Ciidamadan ayaa waxey gebi ahaanba la wareegeen kontorolada magaalada laga soo galo iyo airporka cadaado,waxeyna hora dhac u yihiin r/wasaare saacid oo berito la filayo in uu cadaado yimaad,lamana oga halka uu saacid kasii aadi doono magaalada cadaado,oo ah halka ay ka soo jeedaan caruurtiisa abtiyaashood.

Tagitaanka ay ciidamada amisom tageen cadaado waa cagtii ugu horeysey ee amisom cagaheeda dhigto,waxaana noo xaqiijiyey in r/wasaare saacid cadaado soo gaari doono berito hadii alle idmo afhayenka maamulka xubin iyo xeeb maxamed cumar hagafeey oo ku sugnaa cadaado gudaheeda.